Jowhar (SONNA): Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Gobalada Hiiran iyo Shabellaha dhexe ka wado dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada ayaa maanta dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiran
Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay masuul ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Masuuliyiin kale
Taliyaha ayaa Geesiyadan ku dhiira galiyay doorka Dagaalka Argagixisada iyo sida naf hurnimada leh oo ey Deegaanadooda ugu difaaceen Khawaariijta
Geesta kale Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa Geesiyadan u balan qaaday dhalin waliba iney u garab taagan tahay DFS Saad iyo Saanad intaba dhaawacooda gurmad deg deg ah uu heli doono
Ciidamada xaq u dirirka Deegaanka ayaa kaalin adag ku leh Dagaalka Dalka looga Xureynayo Argagixisada.