Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    December 14, 2025
    Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho
    December 14, 2025
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray
GudahaWararka

Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 23, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaasha ciidanka Qaranka ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah soo saaray war-murtiyeed ku Saabsan xaaladda labada dal.

1. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya.

2. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025.

Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Field Marshal Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal.

4. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

5. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM.

6. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.

7. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

8. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto masโ€™uuliyadda amnigeeda.

9. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.

Waxaa lagu saxiixay Muqdisho, Soomaaliya, 22-ka Febraayo 2025.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay tababarkii ugu horreeyay…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ku baaqay hubinta bedqabka shaqaalaha gargaarka

Muqdisho(SONNA)โ€ฆ Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka…

Wararka
August 19, 2020

Wasiirka arrimaha dibadda Malawi oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya.

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Malawi Nancy Tembo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay nuqul kamid ah waraaqaha…

GudahaWararka
July 2, 2025

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo maanta safar shaqo ku tagay Bardaale “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo wefdi isugu jiro wasiiro, taliye ku…

Wararka
February 2, 2021

Taliyaha Booliska oo kulan looga hadlay dardar galinta Amniga la qaatay Taliyaasha saldhigyada

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo qeybaha…

GudahaWararka
November 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023