Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
GudahaWararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

By Axmed
Last updated: February 22, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed ee Macawisleey iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilaalinta Qarannimada, isaga oo soo bandhigay khatarta argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

“Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siinno in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadban”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamse oo booqasho ugu tagay qoyska AUN Ugaas Cabdullaahi Fara-Cade si uu ula qeybsado xanuunka geerida

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi…

GudahaWararka
September 15, 2024

Hay’adaha SoDMA iyo Africa Risk Capacity oo ka wada hadlay yaraynta khatarta abaarta

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Africa Risk Capacity (ARC) ayaa yeeshay shir loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta…

GudahaWararka
March 20, 2025

Habraaca hirgalinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 20201/2021 ee heer Federaal

Muqdisho(SONNA) Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX) Muqdisho, 1 October 2020 Mabaadii’da…

GudahaSawirroSiyaasaddaWararkaWargayska
October 2, 2020

20 qof oo ku dhimatay dhul gariir ka dhacay dalka Pakistaan

Islamabad-(SONNA)-Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay tiro intaa ka bandanna dhaawacyo ayaa soo gaaray markii uu dhul gariir ka dhacay…

CaalamkaWararka
October 7, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023