Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka

By Axmed
Last updated: February 22, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhigii 6-aad ee golaha Baarlamaanka ayaa u jeediyey khudbada Madaxweynaha ee Dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn golaha Baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii dhamaystirka dastuurka ee ay qabteen kalfadhigii 5-aad,sidoo kale Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray maamulka iyo Shacabka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda daacish ee ka tirsan kooxaha Khawaarijta,dagaalkan ayaa si weyn loogu jabiyey kooxda Daacish,“ Waxaan garab taaga nahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqqa ah ee ay kula jiraan Khawaarijta Daacish, dowladda Fedaraalka Soomaaliyana waa ay garab taagan tahay Ciidamada iyo shacabka halganka ku jira ee deegaannada Puntland.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha Ciidamada ayuu madaxweynuhu caddeeyey in dowladdu ku guulaystay dhismaha Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda oo hadda awood u leh in ay difaacaan Badda iyo cirkaba kuna filan yihiin,Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u istaagtay sidii loo ilaalin lahaa Badda loona joojin lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Shabaab kaas oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaadheen guul weyn si weyna looga sifeeyey gobolada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya Sannadkan gudihiisa laga dhisi doono xarun laga diro dayax gacmeedka,xaruntan oo noqon doonta tii ugu horaysay ee laga hirgeliyey geeska Afrika,”Sanadkaan dhammaadkiisa dalkeena waxaa laga tuuri doonaa Dayax gacmeed waana kii ugu horeeyey taariikhda ee waddan Afrika ah laga tuuro, xaruntii laga tuuri lahaana dhismaheeda ayaa socda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in taladu gacantooda dib ugu soo celisay Dowladdu dhowaana ay dooran doonaan shacabku Madaxdooda doorasho qof iyo cod ah,Madaxweyne Xasan Sheekh ”Maanta waxaan u joognaa in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquuqdii muwaadinnimo oo ay lahaayeen,si ay u soo doortaan cida hoggaamineysa.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Qoor Qoor” Galmudug waxay diyaar u tahay in ay qabato doorasho qof iyo cod ah”,

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka kalafadhiga 11-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug…

GudahaWararka
November 9, 2024

Jubbaland oo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah kala hadlaya ka hortaga Duufaanta El-Nino

Muqdisho(SONNA):-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi…

GudahaWararka
October 16, 2023

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta…

GudahaWararka
April 12, 2025

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed “Waxaa Ciidankeena lagu qalabeyn doonaa hubka ugu casrisan ee maanta jira”.

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka  Gaashaandhigga XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur,ayaa sheegay in dowladda ay da'daal badan ku bixineyso dib u-dhiska ciidanka xoogga dalka…

GudahaWararka
July 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023