Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025. Howlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa la beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkreda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadjinta dhiigga dadka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka goโan cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa ku dilay howlgalada lagu jabiyay cadowga oo in ka badan 130 Khawaarij ah, waxaana sidoo kale Khawaarijta looga furtay hub badan. Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku hungoobay damacooda ayaa hadda haraadigooda waxaa lagu sii baacsanayaa dhulka howdka ah.
Xogta faahfaahinta ugu danbaysa sida Khawaarijta loogu jabiyay weerarka nafla caariga ah oo ay soo qaadeen ayaa lagu faahfaahiyay Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Dadka deegaanka ay soo afjareen maleeshiyaad fara ku tiriska ahaa oo gabaad ka dhiganayey goobo ka mid ah deegaankii dhawaan lagu jabiyey khawaarijta, isku day weerar oo ay ka soo qaadeen dhanka dhulka howdka ah kooxda khawaarintu ayey Ciidanka xooggu jab culus gaarsiiyeen, waxaana inta la ogyahay in ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu laayay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannada hoos yimaada maamul-goboleedka Hirshabeelle.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Faah faahinno dheeraad ah oo goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in ย Horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab lagu khaarijiyay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyeyย lagu laayey dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeallaha Dhexe, sida lagu daabacay Bogga Wakaaladda Wararka ee SONNA.
Horjoogayaasha Khawaarijta loogu laayey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu horreeya Horjooge Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) oo magaciisa afgarashada uu ahaa BAGAAX, waxaana uu ahaa Horjoogaha dagaal gelinta Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo horey u hogaamiyey weerarro cadawga lagu naafeeyey oo ka kala dhacay Cowsaweyne, Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale , Khaarijintiisana waxa ay jab xooggan ku tahay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo waayahanba naf la caari ahaa.
Horjoogayaasha kale ee Khawaarijta looga dilay saacadihii ugu dambeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah Horjooge Daahir Buuxsade oo ka mid ah Horjoogayaasha dagaal geliya Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo horey Carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qaan gaarin dabka ugu shubay, balse Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo Af jareen shartiisa maalintii Khamiistii aheyd.
Horjoogayaasha kala ah:- Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam oo dhammaantood ahaa Horjoogayaal saameyn ku dhex leh Khawaarijta Al-Shabaab marka ay joogto dagaallada ayaa iyaguna lagu soo Af jaray nolshooda gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ifka ka qariyeen dhibaatadii iyo gummaadkii ay shacabka Soomaaliyeed u geysan jireen.
Khaarijinta Horjoogayaashaan sar sare ee ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ah naafeyn aad u xooggan oo loo geystay cadawga Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo tirada Maleeshiyada iyo Horjoogayaasha laga dilay Khawaarijta Al-Shabaab ay tiradoodu ay aad u sii korortay.
โDagaalka aan kula jirno Argagixisada wuu soconayaa, mana istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan maamul-gobleedka Hirshabeelle.
Goobjoogayaal tegay goobaha dagaalka oo ay ka mid ahaayeen Suxufiyiin ayaa mid ka mid Dadkaasi yaa sidaan yiri:-โDadka Soomaaliyeed waxaa ku jira geesiyaal aan noocooda oo kale si sahlan loo heli karin. ย Mujaahidkan qisadiisu waa cajiib, isaga iyo 24 wiil oo kale ayaa 24 saac oo xiriir ah Argagixisadda Al-Shabaab kula dagaalamayey deegaanka Masaajid, Ceel Cali ku yaala, iyadoo ay kooxda Shabaabku ay ku soo weerareenย Gawaari qaraxya ah iyo tikniko qorya ku xiran yihiin, si la yaqaan bay u jabiyeen, waxaana goobtii lagu dagaalamay daadsan Meydadkii khawaarijta oo aad moodo in sujuuda laga wada toogtey. Meel walba ha joogaane Askarta Soomaaliyeed waxaan qirsanahay inay yihiin geesiyo aan libiqsan oo waliba ย ogol inay naftooda huraanโ.
Haddaba waa kuma Ninkaasi, Qof kale maahaan waa โ Cabdi Maxamuud Suubiyeโ oo aad uga sheekeeyay waxa ay ku dhigeen Kooxdii Khawaarijta aheyd ee duulaanka ku soo qaaday Deegaanka Ceel Cali Axmed, isagoo xusay inay weerar dhowr jeer ah ku soo qaadeen xilli habeen ah, ayna jilbaha u aasteen iyagoo 25 Nin ahaa, ayna ku guuleysteen inay ka talaabsadaan Meydadka fara badan oo ahaa Khawaarihtii duulaanka gardarada ahaa ku soo qaaday deegaankooda.
โWeerka Ariga laayaa
Marka uu wedkii galo
Libaaxuu Wan moodaa.
Shan iyo labaatan Wiil ayaa ka adkaatay Boqol iyo Konton Khawaariij ah oo wata Sideed Baabuur Tikniko ah iyo laba ka mid ahna ayQaraxyo ku raran yihiin. Wallee Hibaad Cali Dasar Rag la mida ayaa joogaโ, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Maareeyaha Tiyaatarka Cusmaan Guure.
Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab ย ayaa Jabkii ugu xoogganaa lagu gaarsiiiyay gobalka Shabelada dhexe., iyadoo in ka badan 200 oo Horjoogayaal ku jiraan la dilay, ย Ciidanka Qaranka ayaana Meydadkooda ka dul khudbeeyay, waxaana laga furtay Hub iyo sanaad fara badan, walina waa la sii baacsanayaa naf iyo Raqdoodaba.
By. C/lahi Ruush