Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 
GudahaMaqaalladaWararka

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 16, 2025
4 Min Read
Share

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub cusub oo xiriir dibloomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale.

Sanadka 1991 oo noogu asteysan in dalkeena uu galay dagaal sokeeye iyo burbur ayaa iyagana ugu asteysan sanadkii ay Soviet-ka kala soo noqdeen madaxbanaanidooda. Halkaasi waxaa ka bilaabanaysa laba taariikhood oo mudan in casharo laga barto. Halka anaga aan ka soo kabanayno dib u dhac na la soo gudboonaaday xilli dunida inteeda kale ay ku tallaabsatay horumarkii ugu xooggannaa ee dhan walba gaar ahaan tiknoolojiyadda, Azerbaijan waxay la jaanqaadday horumarkaas.

Sida uu ii sheegay Mikayil Jabbarov, Wasiirka horumarinta dhaqaalaha ee dalkaasi intii aan ku sugnayn caasimadda Baku, dakhliga fardiga ah ee muwaaddinka Azeriga ah wuxuu ka kacay $735 (nml) sanadkii 1991-kii, wuxuuna hadda marayaa $7,381 heerka sare ee waddamada dhakhliga dhexe leh “upper middle income country”, taasi oo ka dhigan in seddex caqdi gudahooda ay dhaqaalahooda aad u kordhiyeen.

Horumarka ay gaareen waxaa asal u ah:-

(1) xasillooni iyo nabad galyo,

(2) horumarinta kheyraadka dalka oo uu shidaalka ugu horeeyo,

(3) dhismayaasha kaabayashaa dhaqaalaha gaar ahaan dhuumaha shidaalka ee sida tooska suuqyada caalamiga ah ugu xira (Baku-Tiblisi- Ceyhan, Southern Gas Corridor),

(4) Warshadeyn baaxad leh,

(5) soo jiidasho maalgashi ajnabi

(6) horumarinta karaanka muwaaddiniinta,

iyo (7) danabeynta adeegyada dowladda. Intaasi waxaa sii dheer horumarka dhanka ciidamada ay ka gaareen.

Marka laga tago Warshadaha shidaalka, xarumaha adeegga dowladda “Asan”, Warshadaha soo saara qalabka militariga, oo ah xarumaha xuddunta u ah horumarkooda ee uu Madaxweynaha iyo wafdiga Soomaaliya ay booqdeen, horumarka dalka waxa uu ka muuqdaa Waddooyinka, dhismayaasha iyo nadaafadda caasimadda.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkeena oo asagoo talada haya booqda dalka Azerbaijan, waxaana rajayneynaa in xiriirka labada dalka uu soo kordhin doonno iskaashi horseedaya horumar sida ku cad heshiisyada difaaca, Waxbarashada, Tamarta iyo sare u qaadidda adeegga dowladnimada ee ay labada dal kala saxiixdeen, kaasi oo sida qorshaha yahay loo sameyn doono guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeynaya fulintooda.

Dhinaca Militari isagoo ka hadlaaya Madaxweynaha Azerbaijan “Soomaaliya waxaan ku caawin karnaa in ay hesho hubka aan soo saarno”.

“Waxaa maanta sharaf ii aheyd in aan magaalada Baku dhiggeyga Azerbaijan, mudane Zakir Hasanov kula sixiixdo heshiis iskaashi ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca.

Munaasabadan oo aheyd mid qiimo leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane  Ilham Aliyev, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan. Waa tallaabo muhim ah oo aan horey u qaaday taasoo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Waxaa naga go’an inaan horumarino wadashaqeynteena, Sidoo keleba waxaan aaminsannahay in iskaashigaani uu noo horseedi doono horumar la taaban karo awoodeena difaaca”, sidaasi waxaa yiri:-  Wasiirka gaahaandhigga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

W.Q. Xasan Aaden Hoosoow La Taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha.      

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Agaasimaha Hay’adda cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay…

GudahaWararka
October 6, 2024

Xukunno kala duwan oo lagu riday qoys ku eedeysanaa maalgelinta khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Khawaarijta islamarkaana ay dhaqaalo…

GudahaWararka
September 23, 2024

Shirka wadatashiga Hindise sharciyeedka korontada oo maalinti labad galay

Muqdisho:(SONNA)-Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaan…

WararkaWargayska
June 21, 2020

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

MUQDISHO (SONNA)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee…

GudahaWararka
July 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023