Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: 58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?
GudahaMaqaallada

58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 15, 2025
4 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu ku soo baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la dilay sanadkii 15-kii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii.

Tan iyo xurnimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba madaxweyne, kuwaasi oo kala ah Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya.

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Soomaaliya oo ah dal dhaca geeska Afrika ayaa qeyb ka ah Bulshada Bariga Afrika, dalalkaan oo Soomaaliya xubin ka noqotay sanadkii hore ayaa dhammaantood waxaa ka dhacda doorasho dadweyne oo lagu soo doorta Golaha deegaanka, Xildhibaannada iyo Madaxweynaha.

Dalalka Kenya iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris wadaag la ah Soomaaliya, xornimadana qaatay markii ay Soomaaliya iska xorreysay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga kadib  ayaa suura galiyey doorasho dadweyne, iyaga oo shacabka labadaas dal ay hoggaankooda ku soo doortay gacantooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in dalka ay ka dhaceyso Doorasho qof iyo cod ah, si Shacabku u doorto mas’uuliyiinta u adeegaya, isagoo Sheekh Aadan Madoobe uu tilmaamay in Baarlamaanka 11aad uu ku guuleystay ka gudubka caqabado badan oo horyaallay Soomaaliya sida Daynta cafinta, nidaaminta doorashooyinka iyo  qodobo kale oo muhiim ah.

“Dalalkii kala mid ka ahaa oo iyagana la burburay Soomaaliya ayaa la  sheegaa in muddo saddex jeer ah ay marayaan doorashooyinka Dadweyne, taasina ay muujineyso sida ay isugu duubmayn Madaxda iyo Shacab laguna gaaray himiladaasi” sida uu hadalka u dhigay.

“Baarlamaanka 11aad Dalka isbaddel badan buu ku keenay oo Ummadda Soomaaliyeed u baahnayd, Shuruucdii caqabadaha ku ahaa ee caalamka nala tacaamulayay markasta na weydiisan jiray waan ka guuleysanay sidii aan uga gudbi laheyd alle mahadi, Dalalkii dagaalkeen la burburay waxa ay marayaan in saddex jeer ama afar jeer ayay Doorasho marayaan innagana meeshii ayaan taaganahay,” sida uu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in laga qaybgalo doorashada Dadweyne ee Dalka ka dhaceysa, si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax ku doortaan loogana gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo dhisay shantii dowlad ee sida xiriirka ah Usha isugu dhiibay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Sodma oo la kulmay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay ku xigeenka ergeyga…

GudahaWararka
March 27, 2025

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Muqdisho(SONNA):-Isxaaq Mayow Mohamuud oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaanay (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta…

GudahaWararka
August 20, 2023

Degmooyin kaalmaha hore ka galay tartanka ololaha Xus oo la abaalmariyay

Muqdisho(SONNA):-Munaasabadd lagu abaalmarinayay degmooyinka kaalmaha hore ka galay tartanka ololaha Xus oo Xaaqo ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Xafdladaan…

GudahaWararka
July 5, 2024

Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baada ganacsatada Muqdisho oo la toogtay

Muqdisho-(SONNA):-Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa toogtay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada…

GudahaWararka
June 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023