Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan socon doona afar maalmood oo ku saabsan doorka ururada bulshada ka qaadan karaan xakameynta iyo ka hortagga faafitaanka Fikradaha Xagjirka ah.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, Wakiilka Midowga Afrika Mohamed Al Emine Souef, Agaasimaha Guud ee TUBSAN Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale.