Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sh, Cali Dhuxuloow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabbilay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Amb; Joachim Waern.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.