Qaahira-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar.
Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Ururka Carabta ee horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda kor u qaadaya wax-soosaarka beeraleyda Carabta.
Wasiir Asad ayaa kulan doceedyo la yeeshay Wasiirrada Beeraha ee Masar iyo Ciraaq, isagoo kala hadlay Wasiirka Beeraha Masar xoojinta xiriirka labada wasaaradood, si kor loogu qaado aqoonta iyo khibradda beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale wasiirka beeraha ee Ciraaq kala hadlay dib-u-soo celinta mashruucii hore ee Iraq-Som ee horumarinta beeraha.
Dhanka kale, Wasiir Asad iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar.