Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.
“Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan, waxaan rajeynayaa in aad ku socon doontaan jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay ugaasku.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey qoyska Marxuumka uu ka baxay.
Mudane Xamsa, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.