Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Deg-degga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).
Nidaamka ๐๐๐๐ (๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ ๐๐ง๐ฌ๐ญ๐๐ง๐ญ ๐๐๐ฒ๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฆ), ayaa ah nidaam lacag-bixin deg-deg ah, ammaan ah, iskuna xiraya adeegga lacagaha taleefoonada gacanta ee bangiyada kala duwani bixiyaan (mobile Wallets).
๐๐๐๐ wuxuu fududeynayaa inaad si degdeg ah lacag u ๐๐ข๐ซ๐ญ๐จ ama wax ku ๐ข๐ข๐๐ฌ๐๐ญ๐จ adigoo isticmaalaya taleefonkaaga gacanta.
Nidaamkan casriga ah wuxuu kor u qaadaya ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka maaliyadeed ee dalka, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyada lacag-bixinta oo casri ah.