Nairobi (SONNA): Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa kulan mira dhal ah la qaatay safiirka Denmark ee Soomaaliya Ambassador Steen Sonne Andersen iyo diblomaasiyiin kale oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay Amb. Steen Sonne Andersen iyo diblamaasiyiin kale, anagoo ka wada hadalnay horumarka siyaasadeed iyo xoojinta iskaashiga aan la leenahay Denmark, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan sidii fadhiyada golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay #UNSC 2025-2026, ay ahmiyadda 1-aad u siinย lahaayeen isbadalka cimilada, nabadda iyo ammaanka caalamka” ayuu yiri danjire Jibriil.
Danjiraha ayaa xusay in labada dhinac ay xoojinayaan xiriirka saaxiibtinimada ee ku saleysan danaha wadaagga ee labada dal, ayna ka goโantahay ka wada shaqeynta horumarka iyo Amniga. Denmark waxa ay ka midtahay saaxiibada taageera horumarka Soomaaliya.