Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu weheliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka sanadlaha ee Guddiga Sare ee Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Dr. Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku ammaanay machadka dadaalkiisa, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan tayeynta garsoorka dalka.