Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
GudahaWararka

Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2024
2 Min Read
Share

Mersin.(SONNA):- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Danjire Fatxudiin Cali Maxamed oo booqasho ku tagay magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada, madaxda sare ee Jaamacadda Mersin, ganacsato iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratada magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Danjire Fatxudiin oo ugu horreyn si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Mersin ee Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Jaamacadda Mersin oo in ta badan ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin, waxaana uu warbixin la xiriirta xaalada guud ee ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata ka dhagaystay guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar oo safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ardayda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in arday badan oo Soomaaliyeed ay dhigtaan Jaamacadda Mersin, qaar kalena ay horray uga baxeen.

Guddoomiyaha oo safiirka kaga mahadceliyay booqashadiisa ayaa yiri” waxaan aaminsanahay in xariir walaaltino xooggan oo soo jireen uu ka dhaxeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, maanta uu heer wanagsan marayo xariirkaasi”.

Dhanka kale safiirka oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin ayaa kula dardaarmay inay hormariyaan waxbarashadooda, iyaga oo ka faa’ideysanaya hannaanka sare ee waxbarasho ee heystan, waxaana uu u sheegay inay yihiin safiirro dalkooda metalaya oo la rabo inay ugu adeegan oo ay dib ugu celiyeen tacliinta ay barteen.

“Waxaan si weyn idinkugu boorinayaa inaad ka faa’ideysataan fursada aad maanta heysatan, waxbarashaddu awoodda wax lagu beddalo, lagu jiheeyo, laguna hago dunida, culuumta kala duwan ee dalka looga baahan yahay ku dadaala oo barta” ayuu yiri danjire Fatxudiin Maxamed Cali.

Ugu dambeyn safiirka ayaa kulan la yeeshay ganacsatada magaalada Mersin, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xariirka ganacsi ee soo jireen ah iyo in si wadajir ah looga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaana uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyn doono fududeynta isku xirka ganacsiyadda labada dal si loo soo horumariyo ganacsiga heer caalami.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Kenya iyo Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya…

GudahaWararka
January 18, 2023

Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen…

Caalamka
June 15, 2023

Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia…

GudahaWararka
December 9, 2024

Israa’iil oo weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Dalka Iran

Ciidamada Israa'iil ayaa weerarro ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla dalka Iran, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku sheegeen…

Caalamka
October 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023