Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin
GudahaWararka

Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo xaal-wareysi ugu tegay ardayda wax ka barata magaalada Mersin

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2024
2 Min Read
Share

Mersin.(SONNA):- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Danjire Fatxudiin Cali Maxamed oo booqasho ku tagay magaalada Mersin ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada, madaxda sare ee Jaamacadda Mersin, ganacsato iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratada magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Danjire Fatxudiin oo ugu horreyn si weyn loogu soo dhaweeyay Jaamacadda Mersin ee Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Jaamacadda Mersin oo in ta badan ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin, waxaana uu warbixin la xiriirta xaalada guud ee ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata ka dhagaystay guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mersin Prof. Dr. Erol Yaşar oo safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ardayda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in arday badan oo Soomaaliyeed ay dhigtaan Jaamacadda Mersin, qaar kalena ay horray uga baxeen.

Guddoomiyaha oo safiirka kaga mahadceliyay booqashadiisa ayaa yiri” waxaan aaminsanahay in xariir walaaltino xooggan oo soo jireen uu ka dhaxeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, maanta uu heer wanagsan marayo xariirkaasi”.

Dhanka kale safiirka oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee magaalada Mersin ayaa kula dardaarmay inay hormariyaan waxbarashadooda, iyaga oo ka faa’ideysanaya hannaanka sare ee waxbarasho ee heystan, waxaana uu u sheegay inay yihiin safiirro dalkooda metalaya oo la rabo inay ugu adeegan oo ay dib ugu celiyeen tacliinta ay barteen.

“Waxaan si weyn idinkugu boorinayaa inaad ka faa’ideysataan fursada aad maanta heysatan, waxbarashaddu awoodda wax lagu beddalo, lagu jiheeyo, laguna hago dunida, culuumta kala duwan ee dalka looga baahan yahay ku dadaala oo barta” ayuu yiri danjire Fatxudiin Maxamed Cali.

Ugu dambeyn safiirka ayaa kulan la yeeshay ganacsatada magaalada Mersin, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xariirka ganacsi ee soo jireen ah iyo in si wadajir ah looga faa’ideysto fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaana uu sheegay in safaaraddu ka shaqeyn doono fududeynta isku xirka ganacsiyadda labada dal si loo soo horumariyo ganacsiga heer caalami.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed

Muqdiaho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada…

GudahaWararka
January 8, 2026

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada oo ay diyaarisay…

GudahaWararka
February 9, 2025

Ciidamada ammaanka oo fariisimo cusub ka samaysatay deegaano ka tirsan Galgaduud

Sama-reeb (SONNA)- Ciidamado isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa howlgallo balaaran ka sameeyey deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan…

GudahaWararka
October 2, 2020

Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay mashruuca iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedeka Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧…

GudahaWararka
January 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023