Ceelbaraf, (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada iyo qoysaska ciidankii ku dhintay weerarka, wuxuuna caafimaad u rajeeyay askartii dhaawacyadu soo gaareen.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa qoysaska iyo ehellada geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalka. Ciidanka dhaawaca ah waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono kooxihii ka dambeeyay weerarka, isagoo ballan qaaday in 48 saacadood gudahood la soo qaban doono dambiilayaasha.
“Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in cid walba oo ku lug leh falkaas aysan ku harsan doonin geyiga Soomaaliyeed iyaga oo xor ah,” ayuu ku adkeeyay wasiirka.