Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo oo lagu xoojinayo adeegga ay bulshada u hayaan ku tagey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka uga warbixiyay dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga gudaha iyo dibedda, fududeynta maalgashiga, iyo taageerada warshadaha yar-yar iyo kuwa dhexe si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyay dhammaan hey’adaha uu booqday shaqada ballaaran ee ay bulshada u hayaan, isaga oo adkeeyay in loo baahan yahay isku-dubbarid iyo wada-shaqayn dheeraad ah, si loo gaaro himilooyinka Qaran.