Muqdisho,(SONNA):- Hay’adaha u xil saaran Dastuurka ee kala ah, wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka ee labada Aqal ee( BFS), ayaa shir latashi ah Kuna Saabsan soo jeedinta wax-kabadelka Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.
Shirkaan oo ah kii Seddaxaad oo ay Hay’adaha u xil saaran Dastuurka la qaataan Qurba-joogta ku nool dalka dibeddiisa ayaa looga dhagaystay Ka-qayb galayaasha Talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Qodobada Dastuurka ee cutubyada 5aad iyo 9aad, Sidoo kalana lala wadaagay geedi socodka guud ahaan Dastuurka iyo heerarkii uusoo Maray.
Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa soo dhawaysay fursadda loo siiyay in ay Aragtidooda ku biiriyaan soo eedinta Wax-kabadelka Dastuurka, iyagoo Shirka Latashiga kusoo bandhigay Aragtidooda.