Muqdisho.(SONNA): Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin loo heysto inuu xalay dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.
Dilka Sarkaalka, ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalkan fuliyay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in hadda uu ku socdo baaritaanka eedeysanaha la soo qabtay,islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeni doono.