Muqdisho(SONNA):-Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka uga qeybgalaya Salaadda Janaasada AUN Sheekh Muuse Cadde oo dhawaan ku geeriyooday dalka
Netherlands.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka,Sheekh Muqtaar Roobow iyo culumaa’udiinkii ka qeyb galay janaasada ayaa dhammaan sheekha ku tilmaamay in uu door muhiim ah kasoo qaatay fidinta Diinta Islaamka iyo wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed,waxa ayna Alle uga baryeen in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka XFS ayaa magacaawday dhawaan guddi ka koobanaa 9-xubood oo ay u xil saaratay aasaka caalimkii weynaa ee Sheekh Muuse Cadde oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.