Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo kormeeray dhismaha Xarunta Gahayr
    June 9, 2026
    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
    June 9, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
    June 9, 2026
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey
GudahaWararka

Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

By Abdulkadir
Last updated: December 21, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.

Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyaar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankooda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.

Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda oo kormeeray dhismaha Xarunta Gahayr

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Guddoomiyaha…

June 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Anita Kiki Gbeho:-Ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhaweyay shirka looga hadlayo Xasillinta iyo soo Kabashada hore

Muqdisho,(SONNA):-Anita Kiki Gbeho, Sii-haya ahna Kuxigeenka ergayga UN-ka ee Soomaaliya oo ka hadashay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo soo…

GudahaWararka
June 22, 2023

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay Shirka wacyigalinta ceymiska Xoolaha

Muqdiaho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka…

GudahaWararka
August 14, 2023

Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka socda Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)-Shirka Madaxda Golaha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa…

GudahaWararka
January 7, 2022

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Baydhabo,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la…

GudahaWararka
May 17, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023