Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey
GudahaWararka

Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

By Abdulkadir
Last updated: December 21, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, Mudane Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xildhibaan Cabdirashiid Olow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Xildhibaan Nuur Affey, ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey.

Booqashadan ayaa ahayd mid loogu kuur galayey tababarka ay muddo saddex bilood ah qaadanayeen askar cusub oo lagu diyaarinayo dugsiga tababarka ee Garbahaarey. Wafdiga ayaa u kuurgalay habka tababarka, tayada waxbarashada ciidanka, iyo diyaar garowga loogu jiro sugidda amniga gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo khudbad ka jeediyay dugsiga tababarka, ayaa ku amaanay askarta dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in ay qayb ka noqdaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalka ay sii wadi doonto taageerada ciidamada si loo helo ciidan tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Sidoo kale, xubnaha kale ee wafdiga ka tirsan ayaa dhiirrigelin u jeediyay askarta tababarka ku jirta, iyagoo ku bogaadiyay dulqaadkooda iyo go’aankooda ku aaddan difaaca dalkooda. Waxay sheegeen in tababarkan uu qayb weyn ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka si loo sugo amniga dalka oo dhan.

Booqashadan ayaa muujineysa sida dowladda federaalka uga go’an tahay tayeynta ciidamada iyo sare u qaadista awooddooda si ay uga hortagaan khataraha amni ee ka jira dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

UK oo tababaro u soo gabo-gabeysay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) Dowlada Britain ayaa sheegtay inay tababar u soo gaba gabeysay Taliska iyo shaqaalaha xarun loogu talo galay in…

Wararka
September 30, 2020

Israel oo saacadihii u dambeeyay Gaza ku dishay 42 ruux  

Ilaha caafimaadka ee Gaza ayaa soo sheegaya in ugu yaraan 42 qof lagu dilay weerarrada Israa’iil ee ka dhacay marinka…

Caalamka
November 29, 2024

Wasiirka kalluumaysiga oo la kulmay wasiirka Beeraha Turkiga

Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dawladda Federaalka Soomaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku…

GudahaWararka
December 17, 2024

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo akhrinta labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha

Muqdisho-(SONNA)-Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 21-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane…

GudahaWararka
August 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023