Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 21, 2024
6 Min Read
Share

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan daah-furay ‘Hindisaha Muqdishada cusub’, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho, marka haddii aan wax yar ku faahfaahiyo mashruuca Muqdishada cusub iyo waxa laga filaayo.

Muqdishadaan cusub waa deegaanka Garoonka iyo Dekadda ugu weyn dalka oo isu jiri doona masaafo 7km ah, islamarkaana ay si toos ah ugu tiirsanaan doonaan qaar ka mid ah Wadamada ku dhow Soomaaliya. Mashruucan oo garoonkiisa laga hirgelinayo Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan deegaanka Haawaay ayaa ku kacaya in ku dhow $600 milyan iyo dheeraad waxaana maalgelinaya shirkado isugu jira Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwo Ajaanib ah.

Labada magaalo ee Muqdishada hadda iyo tan cusub waxaa isku xiri doona waddo laami ah oo hadda ka sii gudbeysa degmada Kaaraan sida la xaqiijiyay mashruucaan waxaa ku lamaanan Waddooyin laamiyo ah kuwii ugu dheeraa ee burburkii kadib, kuwaasi oo Badeecadaha loo marsiin doona Gobollada Dalka, iyadoo Mashruucan, oo qiimihiisu gaarayo $100 milyan, ayaa loo bandhigi doonaa maalgashadayaasha caalamka iyo kuwa gudaha.

Haddaba Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho ama “Muqdishada Cusub,” kuwaasi oo muhiim u ah horumarinta caasimadda, wuxuuna bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee door muhiim ah ka qaatay mashruucan, kaasi oo qorshihiisu socday tan iyo shan sano ka hor.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay door weyn ka ciyaareen dib u dhiska dalka, xilli aysan jirin dowlad xooggan, iyagoo keenay adeegyo muhiim ah oo aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha. wuxuuna sheegay in mashruuca Muqdishada Cusub uu ka koobnaan doono garoon diyaaradeed iyo dekad casri ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Aag dhaqaale oo la filayo inuu saameyn weyn ku yeesho horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan rabnaa in mashruucan uu noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu raaciyay Madaxweynaha, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in mashruuca Muqdishada Cusub uu horseedi doono shaqo-abuur ballaaran oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in mashaariicdan horumarineed la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka si loo ballaariyo saameynta togan ee ay ku yeelan karaan bulshooyinka.

“Hindisaha Muqdishada Cusub wuxuu fure u yahay Horumarka Dalka”, sidaasi waxaa yiri:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo madasha ka hadlayay ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub, isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo Aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil.

Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka, wuxuuna adkeeyay aragtidiisa fog ee uu ka leeyahay Gobolka Banaadir iyo Caasimada Muqdisho ee ah meel Nabdoon, Nadiif ah iyo in dhalinyaradeedu ay helaan fursado shaqo, taasi oo bilow u noqoneysa Hidisahaan lagu horumarinaayo Caasimada.

“Anaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,” ayay tiri Wasiir Fowsiyo,waxayna sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasi oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka, waxayna sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee “Muqdishada Cusub,” kaasi oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda, waxayna intaasi ku dartay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ahba.

“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaasi ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,” ayay raacisay Wasiirka, waxayna ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.

Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.

“Dadbaa waxa dhaqan ka jecel

Wixii dhumay oo tegee

Dhismaha korayiyo rajada

Miyaan dhaayahoodu qaban?”, Abwaan Osmaan Guure ayaa Tixdaan ku muujiyay aragtida uu ka qabo mashruucaan.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Jaamacadda Naayif Alcarabiyah ee Cilmiga Amniga

Riyaad (SONNA): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu…

CaalamkaGudahaWararka
December 6, 2023

Wasiirka Caddaalada oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Mudane, Xasan Macalin Maxamuud ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay…

GudahaWararka
March 13, 2023

Booliska gobolka Banaadir oo baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo Muqdisho laga maqlay

Muqdisho (SONNA)- Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo caawa laga maqlay degmooyin dhawr ah…

GudahaWararka
September 10, 2020

Dagaalka Maaliyadeed ee Khawaarijta ku socdaa Af maahan ee waa Ficil. (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku…

MaqaalladaWararka
January 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023