Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo dhulka go’doonsan ee woqooyiga ku dilay ugu yaraan 16 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan carruur iyo dhakhtar ka howlgali jiray isbitaalka al-Ahli Arab.
Maamulka Falastiiniyiinta (PA) ayaa dhankooda sheegay in ay sii wadaan duullaanka ay ku hayaan goobaha ciidamada Israel ay ka joogaaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed, taas oo qayb ka ah hawlgal lagu tilmaamay in looga golleeyahay in lagu ciribtiro sharci-darrada halkaas.
Qaramada Midoobay ayaa xustay in Israel ay mar kale diidday codsi ahaa in ay gargaarka u sii deyso dadka gaajoonaya ee ku nool Beit Hanoon, Beit Lahiya iyo Jabalia, kuwaas oo Israel ay go’doomin ku hayso in ka badan 70 maalmood.
Dhanka kale,milatariga Israel ayaa weeraray Xuuthiyiinta Yemen, iyaga oo dilay ugu yaraan sagaal qof ka dib markii ay duqeeyeen laba xarun oo kuwa korontada ah, deked iyo xarun shidaal oo ku taal Xudeydah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi.
Weerarrada Israa’iil ee Yemen ayaa yimid saacado kadib markii millatariga Israel ay sheegeen in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen.
Dagaalka Israel ee Gaxa ayaa galaaftay 45,097 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,244 tan iyo 7-dii Oktoobar ee 2023-kii.