Waxaa jira digniino ku aadan xalista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, iyadoo feejignaan dheeri ah loo yeelanayo meelaha ay yaaliin baraha hubinta Degmooyinka Dalka, si aysan Kooxdu isgu gudbin waxyaabaha ay ku dhibaateeyaan Dadweynaha, marka waxaa loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliueed inay fiiro gaara u yeelataa Furdoonka iyo marsooyinka Dalkeena, si gaar ah meelaha Khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, waxaa suurogal ah inay Isticmaalaan oo ay saanad kala degaan Furdooyinkaasi.
Qatar weyn ayaa ka jiri karta hadday Xeebaha maamulka Galmudug ay khawaarijtu Isticmaalaan ama ay suurogal tahay inay saanad kala degaan, sida la xasuusto dhowr mar ayay isku dayeen inay kala soo degaan Dekedaha Macmalka ah ee ku teedsan inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha laga sameeyo Qaraxyada, Saanad ciidan iyo Shidaal, oo ay damacsanayaan inay halkaasi ka soo degsdaan, waxaana halkaasi lagu laayay Kooxda Khawaarijta, iyadoo qaar kalena gacanta lagu dhigay iyaga oo nool.
Sidoo kale Baralaha Gaadiidka lagu baaro ee koontaroolada maamulka Galmudug ciidanka joogaa waa inay ku baraarugsanaadaan khatarta kooxda Khawaarijta, waana in lala xisaabtamaa dadka ka shaqeeya Furdoonyinka iyo Koonrotoolada ama Baraha hubinta.
Ilo Wareedyo laga helay Gobolka Mudug ayaa sheegya in Ciidamada Booliska gobalka Mudug ay gacanta ku dhigeen Gaarigaan oo noociisu yahay Toyota Land Cruiser Soomaaliduna u taqaan LEYLA CALAAWI oo Khawaarijta u waday Daawooyin Maandoriyeyaal ah, kuwaasi oo nuucyadooda ay kala duwan yihii, waa yaabe maxay u isticmaalaan Maandoorayaashaasi kooxda Argagixisaha ah ee Alshabaab?, waxaa kaloo la xasuustaan in Gobolka Mudug Baro Koontarool oo ka mid ah lagu qabtay Gawaari Xamuul ah oo waaweyn qaarkoodna ay Isjiidyo yihin, kuwaasi Kooxda Khawaarijta ah u siday Shidaal iyo Buskutka Caruurta oo ay Soomaalidu u taqaan BUSKUT DHIIQA.
Dhinaca kale Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku raad-joogta xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha, waxaana NISA ay ka digeysaa la macaamilka horjooge kasta oo xayiraad la saaray.
Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonk Qaranka oo la socota Aalad walba oo uu xiriiradiisa u isticmaalo waxa ay ka digeysaa la macaamilkiisa guud iyo ka ag dhawaashihiisa guud meelaha uu ku sugan yahay,maadaama uu Horjoogahaan ay Dowladda Federaalku Soomaaliyeed saartay Xanibaad dhan kasta ah.
Warkaan oo ay saartay Heyadda NISA ayaa waxaa kaloo uu sheegayaa in Muwaadin haddii aad heyso xog ku saabsan Horjooge Xasan Afgooye la wadaag Heyadaha Amaanka, waxayna xustay Heyadda NISA in ‘Muwaadin haddii ay guuleysato Xogtaada, waxaad heli doontaa abaalmarin maqaamkeedu sarreeyo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo Argagixisada ay khatar ku tahay, Diinta, Amniga, Bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgelinta Argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay ‘in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.
“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi laheyn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“. Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo Shabakado Maaliyadeed oo ay kooxaha Argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed, wuxuuna Xafiisku xaqiijiyay in ka badan Hal Milyan oo doollar oo laga helay Koontooyin Maaliyadeed oo ay adeegsan jireen Argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah, islaarkaana waxa uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag Malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaasi oo looga shakisan yahay in Argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay Shacabka ku waxyeeleeyaan.
Warkaasi ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay in Koontooyinkan ay marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda, islamarkaana waxa Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah, waxa uuna ugu dambayntii, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu farayaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta Argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.
By. C/lahi Ruush