Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 17, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelida quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.

“Gobolka Geeska Afrika Dalkeenna ayaa ugu mustaqbal fiican, isaga ayaana hoggaamin doono mustaqbalka, maalgashi marka laga hadlayana mustaqbalka ayaa diirradda la saara howl maanta taagan ma’ahan waxa xoogga la saarayo arrin fog, taas oo qaadan karto sannado, Soomaaliya maanta waxa ay cagta saartay dhabbaha horumarka, iyada oo ka soo kabaneysa marxaladihii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.Waa hubaal in guulaha aan gaarnay ka badan aan xaqiijin karnay laga soo billaabo 2000, balse caqabado waaweyn ayaa jiray oo mar kasta dib inoo dhigayey.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ahmiyad weyn siineyso maalgashiga, si dalkeenna uu u gaaro isku filnaasho dhaqan-dhaqaale oo waara, isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha maalgashada ku booriyey in ay dalkooda maalgeliyaan si dadka Soomaaliyed ay ula tartamaan ummadaha horumaray.

“Soomaaliya maanta waa meel ay maalgashadayaasha caalamku ay ku tartamayaan sidii ay u soo wada aadi lahaayeen, mashruucyada heerka caalami ah ee hakadka ku jira waxaa ka mid ah maalgelinta hooteelo waaweyn, suuqyo casri ah, dekado, garoomo diyaareed iyo kheyraadka Dabiiciga ah, dowladda Soomaaliyana inta badan waa dhammeystirtay sharciyadii lagu hagi lahaa ee damaannad qaadayey maalgashigooda, waxaana ku dhiirrigelineyna ganacsatadeenna in ay aaminaan dalkooda oo fursadaha jira ka faa’iideystaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay caqbadaha ku gedaaman horumarka, taas oo lid ku noqon karta sharciga dalka u degsan, dhaqankeenna suuban iyo khiyamka bulshada ee aan kaga tilmaaman nahay ummadaha kale, isaga oo ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliya wax kasta oo dhaawici karo diinta.

“dowladnimada waxaa aas-aas u ah in dadka waxa ay leeyihiin u ilaaliso ay ku taagan yihin ummadda jiritaankeeda sida diinta, dhaqanka suuban, afka, difaacdo xuuquuqdooda iyo in ay adeegyo u fidiso sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo xqaiijinta amniga muwaadinka”

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda uu leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed maalgelinta mashruucaan weyn ee Gateway ayaa ganacsatada hirgelineysa ku adkeeyey in ay si deg deg ah u soo dhammeytiran qorshaha dhismahaan ka kooban qeybaha kala duwan, sida Hoteel casriya, suuq, isbitaal, maasaajid, hool Shirar caalamiga ah martigeliya iyo goobo kale oo heer sare ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Deegaanka oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay Yoolka Cusub ee Miisaaniyadda Cimilada (NCQG).

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa ka qeybgashay Shirka Wasiirrada ee looga hadlayay Yoolka Cusub…

GudahaWararka
September 28, 2024

kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo maanta daah furay tartanka Hirgeli Hibadaada

Muqdisho(SONNA):-.Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay,…

GudahaWararka
February 26, 2023

Wasaaradda arrimaha dibadda oo soo dhaweyn u samaysay wafdi ka socda Tanzania

Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa kulan…

GudahaWararka
December 18, 2024

Hay’adda Boqor Salmaan kaashanaysana Al-Mahaasin oo maalintii Labaad bixinaya Zakatul fidri

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H - 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa…

GudahaWararka
March 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023