Muqdisho (SONNA): Afhayeenka wasaaradda gaashaabdhigga dowladda FS Abuukar Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmihii u dambeeyey ciidanka Qaranku fuliyey hawlgallo baaxad leh oo lagu naafeeyey Khawaarijta, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad u dagaalamayey.
Ku dhawaad 30-ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo hareerihiisa ka fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo nabadsugidda Qaranka, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.
Horjoogayaasha hawlgalkaas ka dhacay Shabeelaha dhexe lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale.
Afhayeenka ayaa xusay in sidoo kale hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta uu ka dhacay gobolka Mudug, gaar ahaan wadada xiriirisa degmada Xarardheere iyo Jowle, halkaas oo maleeshiyaadka looga nadiifiyey dhul ay dadka shacabka ah ku dhibaateynayeen.