Muqdisho(SONNA):-La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.
Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.
Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka,ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hayโadaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faaโiideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.