Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa kulan la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.
Wasiir Yuusuf ayaa Madaxa (Saudi Fund for Development) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen qorshayaasha hor-tabinta u leh xukuumadda Danqaran iyo barnaamijyada horumarineed ee shaqo abuurka, taasi oo ay ugu horeyso dib-u-dayactirka dugsiyada farsamada gacanta ee dalka.
Madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada kala shaqeyn doonno arrimaha horumarinta farsamada gacanta isagoo intaas ku daray in tababaro la siin doono shaqaalaha dowlada iyo horumarinta adeegyadda aas-aasiga ee wax-tarka u leh bulshada Soomaaliyeed.