Muqdisho, (SONNA): Waxaa Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarrada ee Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ka qabsoomay Imtixaanka tijaabada Dufcadii ugu horeysay ee loo qaadanayo Diploma sare dhanka Diplumaasiyada oo uu Mac-hadku bilaabayo Bishan gudaheeda.
Imtixaankaan ayaa waxaa ka qeyb galay arday tiradadoodu dhan tahay 40 arday oo ka kala socday shaqaalaha Wasaarada Arimaha Dibada iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.
Munaasibada waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Machadka Danjire Abdulqadir Amin Sheikh, Agaasime ku xigeenka Machadka Prof Abdiqani Hassan Abdulkadir iyo dhammaan Howl Wadeenada Machadka.
Dhawaan ayaana la filayaa in si deg deg ah loo soo saari doonaa Natiijada Imtixaanka, iyadoo intaas kadib Qorshuhu yahay in Ardayda Baasta ay si toos u bilaabi doonaan Macadka.