Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyagoo guddi u magacaabay baaritaanka nooca xiriir ee ka dhexeeya eedeysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta, ka dib weerarkii uu ku qaaday Fariisin ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lahaayeen deegaanka Raaskambooni.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-Cadaala), oo ka warbixiyey qodobada shirka, ayaa sheegay in golaha si adag u cambaareeyay weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabo laga xumaado, isla markaana sheegay inay ka dhalan doonto cawaaqib iyo isla xisaabtan.