Casablanca, (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐๐ฆ๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ ayaa kulan gaar ah oo miro-dhal ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Heyโadda ๐๐ ๐ oo arrimaha maalgalinta u qaabilsan Bangiga Adduunka ๐๐ซ. ๐รฉ๐ซ๐ ๐ข๐จ ๐๐ข๐ฆ๐๐ง๐ญ๐ oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay shirka Sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika (๐๐๐ซ๐๐ ๐ ๐ข๐ง๐๐ง๐๐ข๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ) oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii Bangiga Adduunka uu u maalgalin lahaa mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo guda Soomaaliya iyada oo Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana goโan tahay Horumarinta iyo maalgalinta maraariicda wax ku oolka u ah bulshada Soomaaliyeed.