Muqdisho.(SONNA):- Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowlad gobolleedka Jubbaland oo dhawaan ku soo biiray ciidanka Qaranka, kuwaas oo dhawaan loo soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa maanta la dalacsiiyay loona xiray darajooyin ciidan.
Ciidamadan ayaa dhammaantood waxay dalacsiiyay heerarka kala duwan ee daroojyinka ciidamada xoogga dalka,qaar ka mid ah saraakiisha Jubbaland ee dhawaan ku soo biiray ciidanka qaranka ee maanta dalacay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay aad ugu mahadceliyeen madaxda qaranka, iyagoo tilmaamay in ay maanta ku faraxsan yihiin in ay yihiin ciidanka Qaran oo u adeegaya ummaddooda.
” Waxaan lee nahay saaxiibadeennu numbarkii xoogga ayaa helnay, darajadaanii baanu helnay, qof kasta wixii uu mudnaa buu helay, saaxiibayaal soo dhowaada oo imaada ku soo biira Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dowladdu wey guda-ballaaran tahay qof kasta meeshuu kaga soo hagaaguu ka dhargayaa,”.
Korneyl Maslax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Qaranka oo Muqdisho ku soo dhoweeyay, islamarkaana u xiray darajooyinka ciidan ayaa tilmaamay in ciidankan ku soo biiray xoogga dalka looga baahan yahay in ay shacabkooda ugu adeegaan si daacad ah.
Ugu dambeyn, ciidamada maanta dalacay ayaa saaxiibadoodii ay ka soo tageen ugu baaqay in ay ku soo biiraan ciidamada Xoogga Dalka si ay u helaan xuquuqda ay lahaayeen oo muddo fog aysan helin.