Muqdisho (SONNA): Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad kooban, waxa uuna si gaar ah u tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay SICPA ku leedahay horumarinta xirfadda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta, daahfurnaanta maaliyadeed iyo dowlad wanaagga iyo xaqiijinta kalsoonida nidaamka maaliyadda Soomaaliya.
Hantidhowraha Guud waxa uu, sidoo kale, bogaadiyay dadaalka SICPA ee ku aaddan dhiirigelinta xisaabiyeyaasha, isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan hawlahooda diyaarinta xirfadlayaal la jaanqaadi kara kuwo caalamka.
Shirkan ayaa dhiirigelinaya wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha maaliyadda iyo kuwa xisaabiyeyaasha, si loo gaaro horumar dhaqaale oo ku saleysan isla-xisaabtan iyo hufnaan.