Muqdisho(SONNA);-In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka Khawaarijta looga xoraynayo deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.
Ciidanka Qalabka Sida oo dhawaan gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.