Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: November 29, 2024
5 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjirah Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang You, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjire Selma Malika Haddadi oo ah Safiirka Jamhuuriyada Algeria u fadhida Ethiopia iyo Midowga Afrika. 

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayey Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaaladaha amniga iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

6-Golaha Wasiirada ayaa sharci darro ku tilmaamey tallaabooyinkii uu qaaday hoggaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorasho ka baxsan dastuurka ku qabtey Kismaayo.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey magacyada xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

8-Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

9-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2aad ee Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho ka furay Shirka Caafimaadka casriga ah ee Soomaaliya 2024.

10-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

11-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

12-Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka.

13-Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa daahfurtay xuska maalmaha 16-ka ee ololaha la dagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

14-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo oo   ay geysteen ciidamo ka amar qaata   maamulka   Jubbaland.

15-Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay dowladda Soomaaliya ugu biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC).

17-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartey amar lagu soo xirayo hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

18-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kooban 135-ta xubnood.

19-Xafiiska Amniga Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

20-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynaha Ku-Xigeenka dalkaasi Mudane Cevdet Yılmaz.

21-Wasiir Dowlaha Waxbarashada Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo wehliyo Guddomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Xasan Cismaan Gacal iyo safiirka dowladda Shiinaha u jooga soomaaliya MR.Wang Yu ayaa si wadajir ah u daahfuray deeqda waxbarasho ee barnaamijka saaxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

22-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Xamsa Xaadoow ayaa qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

23-Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

24-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah dib u furay Xaruntii Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano.

25-Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

26-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen yaa kormeertay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socdaan mashruuc indho-fiiqis oo bilaash ah.

27-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

28-Safiirka soomaaliya ee u fadhiyo dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

29-Guddomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Shiinaha ee u fadhiya soomaaliyaa, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

30-Banaanbax lagu taageerayo nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo codka ah ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho. 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Shacabka oo meel mariyey ku biirista Soomaliya ee EAC

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ( East African…

GudahaWararka
February 10, 2024

Wasiirka maaliyadda XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Sweden u jooga Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Sweden ee…

GudahaWararka
April 1, 2024

Ciidamadda Dowladda oo burburiyay farriimo ay khawaarijtu lahaayeen deegaano hoos taga degmada Xudur

Xudur-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ayaa howgal bur burin ah ka sameeyay Deegaano dhowr…

GudahaWararka
December 31, 2023

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

Cammaan-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef…

GudahaWararka
July 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023