Muqdisho (SONNA): Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.
Wasiirka Amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo shirka furay ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney xoogga saarayso sidii loo xakemyn lahaa isticmaalka hubka iyo rasaasta, wuxuuna hoosta ka xariiqey iney ka mid tahay mowduucaan kuwa ugu horeeya ee u dajisan dowladda Soomaaliya.
โโSi looga hortago qulqulka hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, waxaan bilownay calaameynta rasaasta, iyada oo la isticmaalayo tiknoloojiyadda casriga ahโโ
Sidoo kale Wasiirka Amniga gudaha ayaa sheegay inta uu socdo shirkan iney kaga hadli doonaan waxyaabihii sannadkaan dhammaadka ah uga qabsoomey arrimaha maareynta hubka iyo rasaasta, isagoona sheegay iney sidoo kale dooddo ka geli doonaan sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci daradda ah ee qeybo ka mid ah xaduudaha dalka lasso dhaafsiiyo.
Ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan oo shirka ka hadlay ayaa muujiyey siday ay xafiis ahaan uga goโan tahay xaqiijinta la-dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta.
โโwaxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta shirka looga hadlay waxaa ka mid ah;
qiimeynta qorshaha Qaran ee sannadlaha kaas oo aan ka fiirinay guulaha ay Dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomayโโ