Muqdisho, (SONNA): Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay ka qeyb galeen masโuuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin hore, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu kulanka socday, masโuuliyiinta ka hadlay ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo hoggaamiye taariikhi ah oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cigge, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in marxuumku uu mar walba u taagnaa ka dhiidhinta dhibaatooyinka bulshada, wuxuuna ku ammaanay marxuumka dadaalkiisa ku aaddanaa isu soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xusay sida marxuumka uu mar walba diiradda u saari jiray midnimada iyo horumarinta dadka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdisalaan Dhaban-cad ayaa dhankiisa ka hadlay xiriirkii uu la lahaa Marxuumka tan iyo 1962, isagoo ku tilmaamay halyey aqoontiisa ugu adeegay bulshada.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Yuusuf Garaad Cumar, iyo siyaasiin kale ayaa sidoo kale ka hadlay shaqsiyadda marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa siyaasadda iyo bulshada.
Kulanka tacsida ah ayaa lagu xusay kaalinta uu Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku lahaa taariikhda Soomaaliya iyo dadaalladii uu mar walba ugu jiray mideynta iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.