Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
    Wasaaradda Amniga XFS oo cambaaraysay daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed Madoobe
    July 25, 2025
    Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.
    July 25, 2025
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED
Maqaallada

MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED

By Khadar Mahdi
Last updated: November 21, 2024
5 Min Read
Share

Maansadani, waxa ay soo baxday 19\2\2015-kii, waxa ayna diiradda saaraysaa kaalinta Barahu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, macalinku waa buddhiga horseedka, marna waa halbowlaha haba xidida jiritaanka, tallaala geedka horumarka bulsho.
Shaki kuma jiro; inuu macalinku diyaariyo hormudka dadweynaha. Muddo 10 guโ€™ ah ayaan ku dhexjirey xarumaha waxbarashada iyo goobaha ka shaqeeya xirfadda tacliinta.

Maansadan kooban waxa aan kaga hadlay miraha macalinka si guud, gaar ahaan ka soomaaliyeed. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow โ€œwaa bulsho tixgelisa barahaโ€. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha kuna hoos noqota burburkeeda ogow โ€œwaa bulsho bahdisha barahaโ€.

Dhaqanside abwaankow
Ababshihii dhallaankow
Indhoweyd dhankeedii
Dhigaalkaygi maansada
Dhaad baan ku xirayo
Ma dhanbalin halkeedii
Mana dhimin shenkeedee
Mana dhumin tixdaydii
Dhoon baan ku shubayo
Dhitadii ku keydshee
Wuxu gogol dhiggiiyahay
Dhallintii dalkaygaay
Dheeha aan ka qaadee
Bare iyo dhanbaalkii.

Cilmigaan dhadhaminiyo
Dheefsiga aqoontiyo
Dheregtiyo barwaaqada
Dhaaxa waa sugeynee
Dharaartan iftiintiyo
Dhoolkaa inoo daโ€™ay
Waa bare dhanbaalkii.

Dedaal kaan dhudhumine
Dhumucdiisa gaarnee
Dhan kastaba hanoqotee
Noo dhalatay guushu e
Waxa dhaliyey hadafkaa
Dhabarkooda nagu sidey
Dhallaankooda naga dhigay
Waa bare dhanbaalkii.

Xafladdan dhalaashee
Sida dheemnan iyo luul
Dhaayuhu ku darareen
Lagu dhaafay hadimada
Waxaa soo dhakooloo
Dhidibbada u taagoo
Dhaliishana u diidoo
Dhaqso soo abaabuley
Waa bare dhan baalkii.

Dhalliney hubaashiin
Dhalliney ogaalkiin
Dhalliney aqoontiin
Dhalliney garaadkiin
Dhalliney hal-beeggiin
Dhalliney socdaalkiin
Dhalliney siday tahay
Dhalliney wax lays baro
Dhalliney wax lays faro
Dhalliney wax loo kaco
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhaqankiyo hiddaha iyo
Dheehashada tacliintiyo
Dhanbaal kaad direysaan
Adanuhu dhammaantii
Dersi ay ka dheegtaan
Dhaqan kana ka yeeshaan
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Duqaydiyo dhallaankiyo
Gololada dhaclaha xiran
Inta dhaqanka jecel iyo
Inta dhiigga noo shubay
Dheddigiyo laboodka le
Dhulkeeney u gaartahay
Dhaqan baan u leenahay
Waa dhaxal awoowee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhakhaatiirta qarankiyo
Odayada sancada dhiga
Dhurka jiilka noo baray
Dhulka noo ilwaad furay
Noo dhiibey oog kacay
Naga dhiciyey cadowgana
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhulka baaristiisiyo
Dhakhso loo ogaadiyo
Dheemanta iyo luulkiyo
Dhuumaha shidaalkiyo
Dhagaxaanta dahabkiyo
Biyihiiba laga dhuro
Waxa dhaliyey guushaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhanbaalkii.

Aaladaha is dhaafiyo
Hawadaa dhex qaadee
Satalaydku dhiibee
Dhegta qayb la saaree
Diyaaradaha dhoofkee
Dhakhsanaaya socodkee
Arladaba dhammaanteed
Soowada dhanbaliyee
Gaadiid dhammaantii
Badda qaar dhexqaade
Buuraha dhulkaa mara
Waxa dhaliyey guushaa
Cilmi dhurashadiisiyo
Waa bare dhan baalkii.

Dad caqliga dhitaystoo
Garashadoodu dheertahay
Dhankii aad ka eegtoba
Dhaqankiyo asluubtana
Dhaawaca ka jirayoo
Dhowraaya diintana
Dhammaantood rag iyo dumar
Waxaa laga dhex helayaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhan baalkii.

Kuwa geela noo dhaqa
Kuwa gidirka dhiinkiyo
Dhaameelka ugubkiyo
Dhulka noogu soofshee
Dhitadana guryaha dhiga
Geedka dhowrta geeyee
Oo dhakaalka noo sida
Oo dhaarta noo maray
Cadowguna ka dhuuntee
Dhulka aan xaraashayn
Weligoog dhudhuminayn
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Kuwa dhuuxa noo shubay
Kuwa dhaanka noo raray
Kuwa dhaxanta naga raray
Kuwa codowga naga dhigay
Kuwa dhimirka noo furay
Kuwa dheefta noo sida
Dhiilahana noo talay
Dhulka siir ku beeree
Dhuguc iyo bisalkana
Dhoomaha ka buuxshee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhaadasha Qurโ€™aaankiyo
Dheegasha axkaamtiyo
Towxiid ku dhaqankiyo
Lagu dhigo ardiyo geed
Dhowr godlna loo qoro
Ama labo dharaarood
Dubaaqooda lagu dhigo
Lacanqariyo dhimirkood
Ka dhaadhicnta Nebigana
Dhaladkiisa sooyaal
Dhigaal loogu sama falo
Ku sar goโ€™an dhab iyo xeel
Dhacdo loogu sheegiyo
Dhaxal ay u haystaan
Ninna uusan dhiilliyo
Dhofoorkiisa taagayn
Sidii inu dhukaan yahay
Ama uu dhabcaal iyo
Dhoohane inuu yahay
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhudhunkii nin garabsada
Dhaqankii ku weynyahay
Marna aan ka dhoofayn
Dhoobaduu ku noolyahay
Dhul shisheeye aadayn
Dhoof-qaran ka doonayn
Saxaraha ku dhimanayn
Dhimrkiisa magansada
Hoggaamiye dhulkii jira
Ka ilaasha dheelliga
Maatadiisa dhicinkara
Duqaydiisa dhacnsada
Marka cadow u soo dhaco
Uga dhiga mus iyo teed
Isagoo dhifdhiif qaba
Dhaqaaleeya duunyada
Dheefsada markuu rabo
Waxa ka dhiiba goortaa
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Anna soo dhameeyoo
Dhisay oo hagaajoo
Dhidibbada u aasee
Ka ilaashey dheelliga
Idinkuna dhammantiin
Dhegihiina geliyoo
Barashada ku dhaatoo
Ubadkaa dhashaaniin
Jahlinimo ka dhowroo
Dhammaan tiin ka dhiidhiya
Oo waxad dhex maaxdaan
Waa bare dhanbaakii.

– Macallin,Maxamuud cali Aadan Hoorriโ€”cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed & bare ka tirsan macallimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeedโ€“Muqdisho.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul

Istanbul(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal Cabduwahab Cabdullahi Cumar, oo ka qeybgalay…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Oof-wareenka (warbixin)

Dalalka dunida ayaa manta u dabbaaldegaya xuska ย munaasabadda 12-ka Nofembar oo ah maalinta wacyigelinta cudurka ku dhaca sanbabaha ee loo…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa…

GudahaMaqaallada
March 28, 2021

โ€œQabyo Ninkeedaa Dhameystiraโ€™ (WARBIXIN) Qeybta 2-aad

Qeybtaan waxaan ku eegeynaa Dhinaca arrimaha dibadda:- 1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada…

GudahaMaqaallada
June 24, 2024

Afka laguma dumin karo Dowladnimada (WARBIXIN)

Dalkeenna Soomaaliya muddo laaba sano ah ayaa waxaa u qabsoomay arrimo badan oo ay horey u sii qorsheysteen, Soomaaliya waxa…

GudahaMaqaallada
July 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023