Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay xaalada amni ee Muqdisho, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.
Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, in ay ka duwanaadaan ciidammada kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada.