Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
    Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu ku marayo dalalka qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu ku marayo dalalka qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika
GudahaWararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu ku marayo dalalka qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika

By Khadar Mahdi
Last updated: November 7, 2024
2 Min Read
Share

Kampala, (SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.

Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin, iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaas oo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.

Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaas oo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.

Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda arrimaha Islaamka oo hubinaysa tayada adeegyada xujeyda Soomaaliyeed la siinayo

Makka (SONNA):  Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda FS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda,…

GudahaWararka
June 3, 2025

Booliska Jubbaland oo loo tababaray amniga doorashooyinka iyo xakamaynta dadka

Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah…

Gudaha
August 9, 2021

BJFS oo guda-galay doodaha Akhrinta 2-aad Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Muqdisho(SONNA)Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta leh fadhi lagu gudagalayo doodaha Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha…

GudahaWararka
November 13, 2024

Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo…

Gudaha
December 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023