Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasiir Fiqi” Wixii Siyaasad ah DF inay ka shaqeyso iyada ayaa ku filan, marka majirto sabab uu sii jiro xafiis QM oo siyaasad ka shaqeeya,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi” Wixii Siyaasad ah DF inay ka shaqeyso iyada ayaa ku filan, marka majirto sabab uu sii jiro xafiis QM oo siyaasad ka shaqeeya,”
GudahaWararka

Wasiir Fiqi” Wixii Siyaasad ah DF inay ka shaqeyso iyada ayaa ku filan, marka majirto sabab uu sii jiro xafiis QM oo siyaasad ka shaqeeya,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dalka isku filnaasho siyaasadeed iyo mid amni uu gaaray,, dowladda federaalkana ku filan tahay in ay ka shaqeyso wixii siyaasad ku saabsan, isagoo dhanka kale, carabka ku adkeeyay in aysan jirin sabab qasbi karta in uu sii jiro xafiis Qaramada Midoobay oo siyaasad ka shaqeeya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in 10-sanno ka dib, Dowladda Federaalka muhiimad u aragtay in dib u eegis lagu sameeyo shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

” 10-sanno ka hor oo ah markii xafiiskan Qaramada Midoobay la furaayay dalka hadda ma joogo, wuxuu joogaa meel uu isku filnaasho gaaray oo wax walba qabsan karo, taas waxay keentay marka in la sameeyo dib u eegis dhammaan Dowladnimadeynii kala qaarneyd oo qaar ka mid xafiisyo kale naga taalay ama amnigeynii kala qaarnaa oo qaar ka mid na loo hayay, Dowladda Soomaaliyeed uu hadda hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muhiimaddeedu waxay tahay in dalka isku filnaado oo uu qabsado shaqadiisa, sida hadda dhaqaalaha iskul filnaasho laga gaaray oo xaggii shidaalka iyo shirkado in la keeno la gaaray, xagga siyaasadda iyo amnigana laga gaaro oo dadka Soomaaliyeed shaqadoodii Dowladdooda u qabato oo gacamaha iyo xafiisyada kale ee ay taalo laga soo ceshado,

Sidoo kale, Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Aniga markaan xafiiska imid bishii lixaad waa la xusuustaa inaan warqad qornay oo aan leenahay xafiiska, waxaan rabnaa in xafiiskan la geliyo si tartiib tartiib ah in shaqadiisii lagu soo wareejiyo hay’adaha Dowladda Soomaaliya, asagana uu isku beddelo (UN country team) oo ah xafiisyada caadiga ah ee UNICEF, WHO iyo WFP, shaqadii caadiga ahyd, balse xafiiskaas siyaasadda u furan in shaqadiisa soo gebo-gabowdo oo siyaasadda Soomaaliya Dowladda Soomaaliya la wareegto,”.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay soo jeedintii Dowladda Federaalka ee ahayd in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo kala-guur ah la geliyo, muddadaas kala-guurka ahnala qiimeeyo, shaqooyinka ay qabtaana, sanadka kowaad lagu wareejiyo hay’adaha Dowladda si meesha uga sii wadaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hey’adda Tayo-dhowrka Qaranka oo heshiis la gashay Shirkadda Bureau Veritas

MUQDISHO-(SONNA)-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay'adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay'addu ay heshiis la gashay…

GudahaWararka
July 16, 2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan…

GudahaWararka
December 12, 2024

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Tuunis

Tunis-(SONNA)-Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Tuniisiya ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna…

WararkaWargayska
February 22, 2021

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa udiray Shacabka Soomaaliyeed hambalyo munaasabadda 12-ka Rabiicul Awal ee Dhalashada Nabigeenna suubban ee Muxammad  NNKH.

MUQDISHO (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu…

GudahaWararka
October 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023