Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabiley wafdi ay hoggaamineyso Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Agaasimaha ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada kor loogu qaadayo nidaamka caafimaad ee dalka iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka, taageerada isbitaalada Hooyada iyo dhallaanka iyadoo diirada la saarayo sidii looga hortagi lahaa xaaladaha caafimaad ee ka dhasha saamaynta isbeddelka cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha kuwaas oo keenaya xaalado caafimaad oo deg deg ah oo ay kamid yihiin cudurrada faafa.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ee Soomaaliya isagoo ammaanay sida wadajirka ah ee ay ugala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka ka hortagga cudurada faafa iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee kala duwan.
Dr Hanan Balkhy, ayaa dhankeeda ballan qaadey in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay dowladda Soomaaliya kala shaqayn doonaan horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.