Muqdisho(SONNA):ayadoo laga duulaayo siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda Danqaran, oo aheyd sare u qaadida tayada waxbarashada iyo tirada caruurta soomaaliyeed ee aadeysa iskuulada , ayuu Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya bilaaway diiwaangelinta dufcadii kowaad ee macallimiinta qaranka ee kasoo gudbay imtixaankii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee JFS , kuwaa oo ka howlgalaayo Dugsiyada Gobolka Banaadir.
Kusimaha Guddomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Cali Muumin Muudey oo kormeeray habsamni u socodka howlaha diiwaangelinta macallimiinta, ayaa boogaadiyaya howlwadeenada gacanta ku haaya diiwaangelinta macallimiinta.
Diwaanngelinta ayaa manta waxaa maray dhowr iskuul oo ay kamid ahaayeen , Dugsiga Sheekh Cumar Faaruuq ee Degmada Kaxda, Dugsiga Hoose iyo Dhaxe ee Kadare ee Degmada C/Casiis, Dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare ee Maxamuud Mire ee Degmada Waabari , Dugsiga Maxamed Abshir , iyo Dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare ee Gaashaanle ee Degmada Shibis.
Howshaan diiwnaagelinta macallimiinta, ayaa qeyb ka ah fulinta siyaasada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku qaadaneyso Toban Kun oo macallin , ee ka howlgalaayo dhammaan degmooyinka iyo deegaanada dalka.