Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS “Waxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS “Waxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”
GudahaWararka

Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS “Waxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 26, 2024
4 Min Read
Share

Muqsisho.(SONNA): Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii hadal haynta badan dhalisay ee sawirka MAPKA qaldanaa oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis ee shalay ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka oo ka cudur-daartay cilladaas farsamo ee sida qaldan ku dhacday ayaa sheegay in ay markasta u taagan yihiin fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha guud ee qaran, kuwaas oo ku salaysan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Badroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sababta keentay cilladda farsamo, cidda ka dambeysay iyo waliba iyo qaladkaas dhacay in aan looga dan lahayn kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah midna.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi ayaa akhriyay warsaxaafadeedka oo sida u dhignaa:-

”Bismilaahi Raxmaani Raxmiin, waxaana shacabka Soomaaliyeed ooga mahad naqayaa sida niyadda samida iyo wanaagga lahayd ee ay ugu dabaaldegeen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka markabka sahminta shidaalka ee ORUC REISee qeyb ka ahaa dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna si loo gaaro horumar dhaqaale iyo isku filnaasho nololeed, waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd mira dhal ka dhashay shaqo qaran oo aad u baaxad weyn taas oo ah qabashadeeda uu mashquul iyo waqti dheer ka galay howlwadeenadii u xilsaarnaa howshani taariikhiga ah, sida la wada filan karana shaqo kasta oo culeyskeeda intaa la egyahay natiijada laga rabana guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurta gal ah in ay dhacaan qaladaad farxsamo oo aan ku talagal ahayn”,.

”Annagoo taa ka duuleyno waxaa ka cudur-daaraneynaa ciladihii farsamo ee soo baxay intii howshu socotay, taas oo ay ka mid tahay sawirka qariiradda ama Mapka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo dhoweyne ee markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid shirkaddii qaabilsaneyd naqshadeynta iyo hagaajinta muuqaalka munsaabadda, waxay shirkaddu isticmaashay Map aan ahayn midkii saxda ahaa, markii la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timid waxay noogu cudurdaareen in qaladkaas si aan ku talagal ahayn uga dhacay, maddaama ay adeegsadeen Map ay horay dad kale u sameeyeen oo internetka ku jiray, kaas oo wax xiriir ah la lahayn shaqadii wasaaradda Badroolka uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed”.

”Wasaaraddu waxay u taagan tahay fulinta iyo ku shaqeynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo la qabanaayo, sida ku cad bogga rasmiga ah ee wasaaraddu macluumaadkeedu kula wadaagto bulshada, mana jiro meel aan ku isticmaalnay Map la mid ah kan hadda sida qaladka ah ugu yimid dhinaca shirkadii nalagala shaqeyneysay munaasabadda, sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raali gelineynaa cilad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yiddidiiladii iyo farxaddii ay qabeen, waxaan xaqiijineynaa in hoggaanka iyo howlwadeennadu wasaaraddu ay markasta u taagan yihiin in dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruucda iyo mabaadii’da guud ee Dowladnimadeenu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin kala qoqob, kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. Waad Mahadsantihiin,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda

Kigali(SONNA):-Waxaa magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ka furmay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada…

GudahaWararka
April 30, 2025

Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira fatahaado ka dhasha Roob la filayo

Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA oo soo saartay digniin ayaa sheegtay in tobanka casho ee soo socota…

GudahaWararka
May 6, 2024

Golaha Aqalka sare ee BJFS oo ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda…

GudahaWararka
March 14, 2026

Wasiirka Caafimaadka XFS oo dalka Qatar kula kulmey dhiggiisa

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kula…

Gudaha
March 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023