Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?
    July 26, 2025
    Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay
    July 26, 2025
    Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti
    July 26, 2025
    Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa
    July 26, 2025
    Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka
    July 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS โ€œWaxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS โ€œWaxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”
GudahaWararka

Wasiir Batroolka iyo Macdanta XFS โ€œWaxaan mar kasta u taagannahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 26, 2024
4 Min Read
Share

Muqsisho.(SONNA): Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii hadal haynta badan dhalisay ee sawirka MAPKA qaldanaa oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis ee shalay ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka oo ka cudur-daartay cilladaas farsamo ee sida qaldan ku dhacday ayaa sheegay in ay markasta u taagan yihiin fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha guud ee qaran, kuwaas oo ku salaysan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeedโ€.

Sidoo kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Badroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sababta keentay cilladda farsamo, cidda ka dambeysay iyo waliba iyo qaladkaas dhacay in aan looga dan lahayn kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah midna.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi ayaa akhriyay warsaxaafadeedka oo sida u dhignaa:-

”Bismilaahi Raxmaani Raxmiin, waxaana shacabka Soomaaliyeed ooga mahad naqayaa sida niyadda samida iyo wanaagga lahayd ee ay ugu dabaaldegeen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka markabka sahminta shidaalka ee ORUC REISee qeyb ka ahaa dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna si loo gaaro horumar dhaqaale iyo isku filnaasho nololeed, waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd mira dhal ka dhashay shaqo qaran oo aad u baaxad weyn taas oo ah qabashadeeda uu mashquul iyo waqti dheer ka galay howlwadeenadii u xilsaarnaa howshani taariikhiga ah, sida la wada filan karana shaqo kasta oo culeyskeeda intaa la egyahay natiijada laga rabana guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurta gal ah in ay dhacaan qaladaad farxsamo oo aan ku talagal ahayn”,.

”Annagoo taa ka duuleyno waxaa ka cudur-daaraneynaa ciladihii farsamo ee soo baxay intii howshu socotay, taas oo ay ka mid tahay sawirka qariiradda ama Mapka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo dhoweyne ee markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid shirkaddii qaabilsaneyd naqshadeynta iyo hagaajinta muuqaalka munsaabadda, waxay shirkaddu isticmaashay Map aan ahayn midkii saxda ahaa, markii la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timid waxay noogu cudurdaareen in qaladkaas si aan ku talagal ahayn uga dhacay, maddaama ay adeegsadeen Map ay horay dad kale u sameeyeen oo internetka ku jiray, kaas oo wax xiriir ah la lahayn shaqadii wasaaradda Badroolka uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed”.

”Wasaaraddu waxay u taagan tahay fulinta iyo ku shaqeynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo la qabanaayo, sida ku cad bogga rasmiga ah ee wasaaraddu macluumaadkeedu kula wadaagto bulshada, mana jiro meel aan ku isticmaalnay Map la mid ah kan hadda sida qaladka ah ugu yimid dhinaca shirkadii nalagala shaqeyneysay munaasabadda, sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raali gelineynaa cilad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yiddidiiladii iyo farxaddii ay qabeen, waxaan xaqiijineynaa in hoggaanka iyo howlwadeennadu wasaaraddu ay markasta u taagan yihiin in dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruucda iyo mabaadii’da guud ee Dowladnimadeenu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin kala qoqob, kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. Waad Mahadsantihiin,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa maanta xarunta dhexe…

July 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir…

Wararka
June 25, 2023

Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya

New-York-(SONNA)- Dowladda Soomaaliya ayaa golaha Ammaanka Qaramada midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka…

GudahaWararka
December 6, 2020

Ra’iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey shir looga hadlayey ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugidda…

GudahaWararka
April 3, 2023

Horjooge baxsad ahaa oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo

Muqdisho (SONNA):-Ciidanka amaanka ee ka howgallo dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe Cumar Maxamed Ismaaciil oo…

GudahaWararka
September 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023