Sanadihii u dambeeyay, shirkadaha dhismaha ee Turkiga ayaa ku soo badanayay mashaariicda la xiriira howlaha dekedaha iyo badda ee Afrika. Shirkadda Summa Construction ayaa hadda heysa dadaalkeeda ku aaddan mashaariicda garoomada diyaaradaha ee Nigeria, halka Metag Holding, oo fadhigeedu yahay Ankara, ay saxiixday heshiis lagu horumarinayo dekedda Hobyo, oo ah dekedda labaad ee ugu weyn Soomaaliya, iyadoo lagu maalgelinayo lacag bilowga $70 Milyan.
Shirkadaha Turkiga ayaa fiiro gaar ah u yeelanaya ka qayb qaadashada horumarinta howlaha badda ee qaaradda. Heshiiska Metag Holding ee dhawaantan la kala saxiixday ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Dekedda Muqdisho oo halbowle u ah ganacsiga Soomaaliya, iyada oo lala kaashanayo Shirkadda Maalgashiga Hobyo ee wadaniga ah, Maalgelinta Metag waxa ay u beddeli doontaa Dekedda Hobyo xarun ganacsi oo heer gobol ah, taasi oo yarayneysa culeyska ka jira Dekedda Muqdisho, iyada oo sidoo kale bixin doonta waddo kale oo Itoobiya iyo Jabuuti ah. Dekadda Hobyo oo ku taalla deegaannada Galmudug oo ay ku nool yihiin dadyow fara badan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta isku xirka badda iyo Berriga.
Axmed Cabdi Kaariye, Madaxa Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda mashruucan, isagoo yiri โDekeddani kaliya ma kicinayso dhaqaalaha gobolka, balse sidoo kale waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo isku xirka, taasoo faaโiido u leh guud ahaan Qarankaโ. Heshiiska waxaa ku jira muddo 80 sano ah oo ay shaqeyneyso, iyadoo Metag ay maamuli doonto dekedda, waxana la filayaa in ay hirgasho ka dib muddo seddex sano ah oo dhismo ah.ย Mashruuca Hobyo ayaa dhowr sano laga tashanayey, iyadoo ay daneynayeen shirkado ay Qatar taageerto sanadka 2020-kii, si ay u yeeshaan iskaashi dowladeed iyo mid gaar ah oo aan ugu dambeyntii hirgelin. Maalgelinta joogtada ah ee kaabayaasha badda Soomaaliya ee ku lug lahaanshaha Turkiga ee Gaadiidka badda Soomaaliya ayaa la xoojiyay, iyada oo kaashanaysa shirkadda Metag iyo maamulka dekedda Muqdisho shirkadda Albayrak Group ee laga leeyahay dalka Turkiga.ย Dekeddu waxay u adeegtaa sidii xudunta u ah shixnadaha badda ee Soomaaliya, waxaana gacanta ku haysay shirkadda Albayrak tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo ay heshay 20 sano oo xuquuq shaqo ah mashruuca Alport Muqdisho.
Dekadda Muqdisho oo ku taal Istiraatiijiyad ku taal Bariga Afrika, waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay albaabka ugu weyn ee Soomaaliya laga soo galo ee dhinaca ganacsiga caalamiga ah.ย Toddobaadkii hore, waxaan sidoo kale ogaanay in Summa Construction ay ku howlan tahay wadahadalo rasmi ah oo ku saabsan mashruuc garoon diyaaradeed oo Nigeria ah. Ka dib mashaariicda garoommada diyaaradaha ee lagu guuleystay ee Niger, Senegal, Guinea-Bissau, iyo Sierra Leone, Summa waxay hadda wadaa mashruuca Lekki-Epe International Airport ee Nigeria oo la qorsheeyay. Barasaabka Gobolka Lagos Babajide Sanwo-Olu ayaa dhawaan booqday Tรผrkiye, si uu hindisahan ugala hadlo Selim Bora, gudoomiyaha Summa.
Ka dib markii ay dhamaystirtay mashruucii ugu horreeyay ee garoon diyaaradeed ee Afrika garoonka Blaise Diagne ee Senegal 2017-kii, Summa waxay sii waday inay ballaariso raadkeeda mashaariicda Niger ee 2019-kii, Diffa International Airport ee 2021-kii, iyo Freetown International Airport ee Sierra Leone sannadkii hore.ย Shirkaddu waxay sidoo kale horumarinaysaa mashruuca garoonka caalamiga ah ee Osvaldo Vieira ee Guinea-Bissau, kaasoo bilaabmay 2023-kii, iyadoo shirkadaha Turkiga ay sii qoto dheereynayaan ka-qaybgalkooda horumarinta kaabayaasha Afrika, suurtagalnimada kobaca iyo iskaashiga ayaa weli ah mid muhiim ah, gaar ahaan qeybaha duulista iyo badda.
Dhinaca kale shirkadaha Turkiye oo hadda jooga Soomaaliya ayaa waxaa ku soo biiraya kuwa ku howlan sidii loo baari lahaa, islamarkaana loo saari lahaa shidaalka hoos ceegaaga Badda iyo Berriga Soomaaliya, axaana dhawaan la filaayaa inuu soo gaaro xeebaha dalka Maraakiibtii howshaasi fulin laheyd, waxaana la sheegayaa in Baarista ee Turkida billaabi doonaan waa dhammays-tirka howshii baarista ee hore:
- Tii Soma Oil and Gas oo ay u sahmisay SeaBird Exploration, iyo
- Tii labaad ee Spectrum Spa sahmisay oo buuxisay meelo ka soo haray tii hore, iyo Aaggii Shell – ExxonMobil ee badda.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah oo heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. โ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ahโ.
Turkida waxay sammeynayaan Sahan Saysmika ah ee 3-D ah, si ay u helaan meesha ugu habboon oo ceel lagu qodi karo, si aan loo waayin shidaalka. โBisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudugโ, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.
Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala ย tirsan gobolka Galguduud iyo Mudug.
By. C/lahi Ruush