Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2025-2029.
Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Raโiisul wasaaraha Xukuumadda DanQaran, ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labadii sano ee dowladdani joogtay 70 kun oo ruux ay dowladdu shaqaaleysiisay, kuwaas oo isugu jira Shaqaale Rayid ah iyo Ciidanka amniga.
Wuxuuna intaa ku daray in ay dhiirri gelinayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaaso oo qayb ka qaadanayo yaraynta shaqa laโaanta, isagoo xusay in bilaha soo socda ay dalka ka billaaban doonaan mashaariic badan iyo maal-gashiyo kala duwan.
Raโiisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Qorshaha Isbadalka Qaranka uu caddeynayo halkii aan shalay joognay, halka hadda aan ku sugannahay iyo meesha aan u soconno.
Raโiisul wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo laโaanta Soomaaliya ka jirta ay ka badan tahay 70%, wuxuuna xusay inta ay xukuumadda DAN-QARAN samaysay dedaallo lagu yaraynayo arrintaas.