Marka-(SONNA)-Guutada 14-ka Octobar ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsanaa khawaarijta kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen inta udhaxeysa deegaanada Janaale iyo Shalan-bood ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dhagar-qabayaashan ay ciidanka soo qabteen oo kala ah Axmed Mustaf Aadan oo 26-jir ah iyo Cabbdi Soomaali oo 30-jir ah ayaa isku dayey in ay Mooto Feykoon uga baxsadaan howlgalka sifeynta ahaa oo geesiyaasha guutada 14-ka Octobar ay Cagta ku mariyeen tuulooyin iyo deegaanno Khawaarijta gabbaad u ahaa.