Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo maalmahaan ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Mohamed Egal oo ah Duqa Magaalada Seattle Gobolka Washington eeย carigga Maraykanka.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ku weheliyey Xoghayaha koowaad ee Safaaradda aan ku leenahay magaalada washington DC ee Magaalo Madaxda Maraykanka & qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyaadda Soomaaliyeee ee Gobolka Washington oo ay hoggaaminaysay Marwo Sahra Farah oo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya maamulka magaalada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, iyada oo la taageerayo dadaallada lagu horumarinayo dhaqanka, warfaafinta, iyo fursadaha dalxiiska ee Soomaaliya.
Wasiir Al-Cadaala ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo fahamka dhaqan-dhaqaale ee labada dhinac iyo in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay sii wadaan kaalmada iyo horumarinta dalkooda hooyo.
Wuxuu sidoo kale soo bandhigay fursadaha dalxiiska ee Soomaaliya, isaga oo ku booriyay Duqa Magaaladaย SeaTac, inay ka qayb qaataan dadaallada lagu dhiirrigelinayo maalgashiga dalxiiska Soomaaliya.
Duqa magaalada, Mohamed Egal, ayaa dhankiisa muujiyay sida ay uga goโan tahay inuu sii wado taageerada bulshooyinka Soomaalida Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga dhex mara Soomaaliya iyo maamulka magaalada SeaTac uu noqon karo mid faaโiido leh oo labada dhinacba ka faaโiidaystaan.
Wasiir Al Cadaala ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay Gudoomiyaha Gollaha deegaanka Magaalada Takwille ee Gobolka Washington mudane Mohamed Abdi isagoo ku soo dhaweeyey Xarunta Gollaha deegaanka Magaalada Takwillae Gudoomiye Mohamed Ayaa biggaadiyey wasiirka & booqashada,isagoo wasiirka u sharaxay shaqada Gollaha deegaankaย Magaalada Takwilla.