Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.