Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya
GudahaWararka

Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 6, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayaa cambaareeyay soo gelinta hub sharci-darro ah oo ka yimid Itoobiya, isagoo ku tilmaamay khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay tallaabooyin adag qaadeyso si looga hortago arrimahan oo loo ilaaliyo madax bannaanida Soomaaliya, wuxuna ugu baaqay Itoobiya in ay ixtiraamto heshiisyada caalamiga ah oo ay joojiso ficillada khalkhalka gelin kara gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qaadanayso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo caddeeyay in wada-hadalladu aysan guul dareysan, inkastoo hoggaanka Addis Ababa ay ka caga jiidayaan ka qaybgal buuxa.

Wasiirku wuxuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada hadalka, iyadoo Turkigu uu door muhiim ah ka qaadanayo dhexdhexaadinta nabadda gobolka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ah in la hagaajiyo adeegyada fiisaha ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala Hindiya, gaar ahaan kuwa waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo ganacsiga u aada halkaas, isagoo soo jeediyay in Qunsuliyad laga furo Muqdisho.

DanJire Fiqi wuxuu ka qaybgalay shirar heer sare ah inta lagu guda jiray Kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen kulanka Wasiirrada Dhaqdhaqaaqa aan Isbahaysiga laheyn (NAM), halkaas oo uu mar kale ku xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee Falastiin iyo ka hadalka ficillada Itoobiya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray xarumaha Booliska

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Baarista Dambiyada ee CID, Qeybta…

GudahaWararka
February 19, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo isku afgartey in meesha laga saaro heshiiskii muranka dhaliyey ee…

GudahaWararka
December 13, 2024

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo taliye ku xigeenka Ciidanka ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska…

GudahaWararka
April 7, 2021

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Kormeerkaan oo ahaa Mid uu Ugu Guurgalayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Xaalada Ciidamada Qalabka sida…

Wararka
January 29, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023